MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

MAANSO: XUSUUS

Waxa uu halkan Abwaanku kaga waramayaa,waagii dalka Somaliland lagu soo noqday,ahaydna xilligii 1991,siyaaro iyo booqasho uu ku tagay, gurigii loo yaqaanay Fooqa jajabka ee ku yaalay ,dooxa wayn ee Hargeysa dacalkiisa Waqooyi ; waxa uu abwaanku sida maansadiisa ka muuqata uu goobta ku arkay , raggii halgankii dalka loosoo maray ku naafoobay oo goobtaasi yaalla.

Waxa uu labadiisa indhood uu saaray , iyagoo meel dooxa qarkiisa ah, hangar weyn oo ku yaala jiif-jiifa, wuxuu ahaa muqaal aad looga naxo,aadna u niyad jabiyay Abwaanka,kuwaasi oo aan haba yaraatee aan haysan wax daryeel ah .

Aragtidii naxdinta lahayd ee uu Abwaanku wakhtigaasi arkay waxa ay ka keentay in uu tiriyo maanso la magac baxday XUSUUS, taasi oo uu ku tibaaxaayo,dayacii iyo darxumadii xiligaasi ka muuqatay Mujahidiinta.

Inkaastoo ilaa maantadan lafteeda la odhan karo, malaha ragii wakhtigaasi dalka usoo dhintay dadkii ay ka tageen iyo kuwii iyana usoo naafoobay ,qaar badan oo ka midii ,wali mayhelin,daryeelkii iyo xanaanadii ay uga baahnayeen dawladnimadii iyo calankii ay dhiigooda ku dhaliyeen.

Taas awadeed ayaa ilaa hadda aynu odhan karaynaa, waa mid jirta waxa ay maansadani ka hadlaysaa,iyada oo taagnaandoonta, ilaa inta ay helayaan xaqii iyo xuquuqdii ay ku lahayeen Qarankii ay u dhinteen una dhawacmeen.

Waxaa uu yidhi :-

Jirrab nolosha waa loo maraa
Belo usoo jooge.
Jaallihii markuu ina jaree
Dilayey jaandheerta.
Ninkii juuq yidhaahdaba markii
Jeelka lagu tuuray.
Jidh-dilkiyo naftoo layska jaro
Jiidashada Maydka.
Jumladaa xabaalaa markay
Cagaf ku jiidaysay.
Dhabar jabinta iyo ciidankii
Laga jalaadaayey.
Jananadi tadhahay wiilashii
Jiifka uga dhaartay.
Jarmaadaa aroortii raggii
Jeelasha u daatay.
Raggii jariyo buuraa jafee
Raadka daba joogey
Raggii shalay jidiinkoo qalalan
Wada jibboonaayey
Jiiftaanka daalka-leh raggii
Weerar kala jiidey.
Raggii aan dagaal laysku jaray
Wada jibboonaayey
Jiiftaanka daalka-leh raggii
Weerar kala jiidey.
Raggii aan dagaal laysku jaray
Dib uga soo jeesan.
Raggii calanka soo joojiyee
Faqash kasoo jiidey.
Jiritaanka Somaliland
Bay u jabayeene.
Jalka kama helaan nationkay
Dhamac u jiidheene.
Intii aan jihaadkii ku dhiman
Nolol wixii jooga.
Jajabkii ka hadhay baan arkoon
Cidi jalleecayne.
Togga-Herer badhbaa jooga oo
Dooxa jiifsada’e-
Waaxyaha kuwii laga jaraa

Jeexay bedenkooda.
Jeeraradii baa ku taal
Jiidhay berigiiye.
Jeenyaha raggii laga jaraan
Cidi u juuqayNe.
Araggaad kasii jeesataa
Jimidh yaraantoode.
Jabaqdiyo jugtii weli madfaca
May xusuus jarine.
Jirrab haysta awgii ayey
Weli jibaadaane.
Yaa ka jeebi xabadii ragbay
Weli dhex jiifaane.
Maansadan aadka u qiirada badan waxaa tiri yahy Abwaankeena wayn ee

Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

 

 


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada