MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Dr. Bulxan iyo Tegitaankiisa Muqdisho

Qore: Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, Hargeysa, Somaliland

 Ugu horeyn, Dr. Bulxan iyo qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland waa isugu kay suntan yihiin, waxaan odhan karaa waan hubaa in Dr. Bulxan uu yahay dadka ay Somaliland-nimadu dhuuxa kaga jirto oo aan looga shakiyayn. Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisuna qaddiyadda Somaliland-na waa mid baaxad weyn oo xogogaalnimo ku dhisan – dacwado badan oo xasuuqyadii Somaliland ka dhacay laga sameeyeyna  (markhaatiga cadaymaha) ka kaliya ee la isticmaalay waa qoraalada iyo muuqaalada Dr. Bulxan codeeyey ee uu farsameeyey, Sidaasi oo ay tahay haddana lama qabo in uu Xamar u tago doodaha qaddiyadda Somaliland, meelo kale ayaa kaga haboon, waayo siday ay reer Mugidishu u fikirayaan iyo habka fikirkiisu yahay waa mid aad u kala fog oo ka dheer is qancin iyo dood, waxaa cadayn u ah qoraalka uu Axmed-nuur Sheekh Cali ku baahiyay Somali Intellectual Forum oo u qoran sidan: “Bulxan wuu daalay, wuxuu yidhi 20 sanno ayaanu sidan ahayn, which means this is not solution. Way dhici kartaa in qoloda siyaasaddu ay isticmaalayaan isaga, waayo ku ma dhacaan inay reer Hargeysa u sheegaan Xamar baannu tegeynaa. Markaas Bulxan baa lagu tijaabinayaa. Reer Muqdisho u ma jixin jixayaan inay maqlaan Soomaali ayaan sii kala qaybinayaa iyada oo horeyba u kala qaybsanayd.. Bulxan taas waa uu og yahay. Ku soo dhowow Xamar, ma maqlaysid kani yuu yahay iyo lahjadee buu ku hadlaa. Xamar wali waa Xamar.”

Dr. Bulxan wakhtigiisa iyo kartidiisa ha geliyo meel kaga fiican Mugdishu oo isku mashquulaan. Waxaan qabaa in wadohadaladii ay daciifiyeen doodii Somaliland, waxaan hubaa in ay innaga leexiyeen jihadii saxda ahayd ee ay Somaliland ku heli lahayd aqoonsi. Waxaan sidoo kale daw ahayn in ay inna niyad-jabiso gaabiskeena 26 sanno ee aynu ka shaqaysan kari waynay gaadhida hiigsigeena koowaad oo dood xoog badan leh.

Qurux iyo wanaag umma arko dooda odhanaysa ma 26 sanno ayaynu halkan taagnayn ee miyaynu fadhinaa uun?. Waa in doodu noqoto shaqadeenii waa gabnee sideen u dar-dar galinaa, khaladkii u saxnaa iyo maxaynu qabanaa si dariiqii laga weecday dib cagta loogu saaro.

Maalintii wadahadalka la furay waxaa Somaliland laga leexiyay doodeedii ahayd;

  1. Waxaannu ahayn dawlad madaxbannaan oo midaw aan sharci ahayn la gashay dawlad kale, dawladahaas midoobay oo wada samaystay Dawladdii Jamhuuriyadda Soomaali-da, midawgaasi sharci kuma dhisnayn.
  2. Somaliland waxay waafaqsan tahay sharciga midawga Afrika oo odhanaya dawladaha Afrika waxay ku salaysan yihiin xuduudihi gumaysiga.
  3. Ku dhawaaqista madaxbannaanida ee Somaliland ee kalida ah (Unilateral) waxaa noo ogol sharciga caalamiga ah ee Self-Determination oo sheegaya haddii bulsho la kulanto xasuuq iyo tacadiyo la cadayn karo in ay aayahooda ka tashan karaan. Doodii Somaliland inta waxyaabahaasi iyo kuwo xoog badan oo kaleba laga duway ayaa loo duway kuwan sidan;
  • Dawlad goosasho rabta (Secessionist Group) oo ay qasab ku tahay in ay la hadasho dawladda laga goosanayo, waayo sharciga caalamiga ah ee goostayaasha Secessionist Law ayaa dhigaya in ay aayahooda ka wadahadlaan kuwa kala go’ayaa.
  •  Xuduudihii dhulka Somaliland ee sharciga Afrika xafiday ee ku salaysnaa guumaysiga ayaa loo sugay dawladda hadda ee Soomaali(YA) iyadoo la dabaqay Soverneighty & Territorial Integrity.

 Dr. Bulhan waa ogyahay xooga dooda Somaliland. Waxaan qabaa qaddiyadda Somaliland doodeedu waa xoog weyn tahay ee ha laga shaqaysto, yaan lagu niyad-jabin 26 sanno oo la shaqaysan waayay, dib ha la isugu noqdo oo maxaa qaldamay iyo sideen u toosinaa ha la is waydiiyo. taasi ha laga hawlgalo sidii loo xoojin lahaa dadka aqoonta iyo khibradda leh ee uu Dr. Bulxan ka mid yahayna ha la hawlgaliyo oo giitaarka halka uu codka suuban ka samaynayo ha laga garaaca inta maaliyaddii loo baahnaa la qoondeyo.

Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya waa kuwo wiiqay doodeena, waa in intaasi khibrad innoo noqotaa – halkaana lagaga hadhaa.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada