MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Doorkii Xalka Ee Ururdiimeedka Al-Saadicuun-Bilxaq Waa La Gees Maray

W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Nabdaadsho iyo nabad idilkeenba, Alla-weyne naxariistiisa guud iyo raxmaadkiisa gaarka ahba ha inugu manaysto dhamaanteen, Soonka bishan ramadaana dembi dhaaf iyo janno ha inoogu bedelo, intaas kadib, maahmaah Somaali ah ayaa ah “Aqalkaaga hortiisana ood baa la dhigtaa,  Hadalkaaga hortiina afeefbaa la dhigtaa”, shaqsi  ahaan aqoon durugsan uma  lehi diinteena Islaamka, inkasta oo ay dhamaanteen waajib la inooga baahanyahay tahaya barashada iyo kudhaqanka diintu, sidaas oo ay tahay, waxaan qodobo aan badnayn kaga hadli doonaa, Xadhiga xubno kamid ah urur diimeed wakhti aan fogeyn lagaga dhawaaqay Magaalooyin Hargeysi kamid tahay, inkastoo aanan  wakhtigii loo baahnaa kusoo beegin, isla markaana ay dameen ama dadka intooda badani iskaba ilaaween duufaanadii xambaarsanaa  arimo diinta u gaar ah ee ku dhuftay qaar kamid ah magaalooyin waaweyn oo Somaalidu degto, haddan weli waxaa jira qodobo aan lugu ilaawi Karin oo dhawr ah, sida xubnihii Hargeysa ee ururdiimeedka Al-saadicuun bilxaq oo weli ku jira xabsiga iyo culimadda waaweyn ee dalka intooda badan oo aan dadka ka shaafin ama kala hadlin arimo khuseeya ururkan iyo fikraddaha uu xambaarsanyahay, taasina waa mida igu dhalisay in aan qoraalkan kooban fikir ahaan ka qoro xubnahaas iyo xadhigooda.

Hordhac iyo afeef kadib, waxay taariikh ahaan ku beegnayd 04-04-2017-ka markii ugu horeysay ee urur diimeed cusub lagaga dhawaaqay magaalooyin ka kala tirsan dalalka Masar, Liibiya, Soomaaliya, Somaliland iyo meelo kale, isla wakhtigaas lugu dhawaaqayna waxaa lugu sheegay in magaca urur diimeedkani yahay “Al-saadicuun Bil-xaqi” ama “Kuwii xaqa u istaagay”, hal mar waxaa isla kacay shacbiga dalalkaas lagaga dhawaaqay, laakiin arinta layaabka noqotay ayaa ah in xubnaha guud ahaan ku dhawaaqay ururkan Al-saadicuun bil-xaq ay yihiin kuwo si fiican looga yaqaano waddamada iyo deegaanadda ay kasoo jeedaan,  tusaale ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa xubnaha ururkan ku dhawaaqay waxay ahaayeen niman magac iyo aqoon leh oo inta badan bulshadu taqaano, kuwo ku takhasusay cilmiga Caafimaadka, cilmiga Injineernimadda, Macalimiin iyo aqoonyahano jaamacaddaha wax kadhiga. Iyadda oo taasi jiro, aan usoo daadego xubnaha sida gaarka ah qoraalkan aan kaga hadlaayo oo ah xubnihii Hargeysa kaga dhawaaqay ururka. Waxay taariikh ahaan ku beegnayad 08-04-17kii,  markii xukumadda Somaliland shaacisay in xubnihii Hargeysa ee Al-saadicuun Bilxaq, dhamaantood ay qaqabatay oo ay xabsiga dhigtay ilaa maanta oo taariikhhdu tahay 28-May-2017, aan wax war ah oo dambe shacbigu ka helin, in ay sidii u xidhanyihiin, in la xukumay, in ay xukun sugayaal yihiin, si kastooy ahaataba, talaabaddan ayaa aniga iyo inbadan oo ila mid ah noogu muuqata mid deg-degeeda lahayd, oo xadhiga iyo xukunka nimankaasi ay yihiin cabudhin iyo aamusiin, taas oo aan xal iyo waan-waan u noqonayn waxa ay ku dhawaaqeen ee ay wadaan nimankani, sidoo kale waxay wakhti iyo fursad u tahay xubnaha yar yar ee ku hoos noolaa, xubnaha waaweyn ee u madaxda ah, kuwaas oo la xidh-xidhay, waxaana u fududaanaysa in ay si dhib yar u gudbiyaan fikradaha iyga iyo xubnahooda jeellka ku jiraa, xitaa madaxdooda Masar fadhidaa ay aaminsan yihiin, iyaga oo daliil kadhiganaaya “ In diinta iyo dacwadu leedahay cadowyo badan oo u baahan in loo samro oo loo dul-qaato”, taasina waa mida markasta aad ka dareemayso cid kasta oo xidhiidh hoose ama taageero muuqata u haya xubnahan la xidh-xidhay iyo fikradaha ay aaminsanyihiin.

Waxaa jira culimo dhawr ah oo si guud uga hadlay fikrado laxidhiidha gaalaysiinta “Takfiirka”, culimadaas oo aan si gaar ah uga hadlin Ururkan Al-saadicuun bilxaq, isla markaana aan meel muuqata saarin fikirkooda iyo qodobadda ay cuskanayaan, taasina ma noqon karto daliil lugu cabudhiyo ama lagu hor istaago fikirka ay aaminsanyihiin.  Intiina maqashay ama daawatay bayaankii ugu horeeyey ee sida isku midka ah ay iskugu shaacinayeen urur diimeedkani kuma jiro ama lagasoo heli maayo hal fikir oo ka hor imanaaya diinta islaamka, isla markaana qodob kasta oo aysoo bandhigaan wax ay dusha ka saarayeen daliil qur’aan ah oo ay ku faahfaahinayaan, waana mida layaabka kunoqotay bulshadda in qof  Muslim ah oo hore aynu ugu naqaanay islaamnimo, isla markaana isaga oo ku hortaagan illahay qiraaya “Ashahaadanaaya”, in aynu ku nidhaahno waxaad wadaa gaalaysiin iyo fikirado takfiiri ah, hadii aysidaasi dhacdana waxay bulshada kadhex abuuraysaa khalkhal iyo diintii oo noqota in qofkastaa sida uu rabo u daliishado.

Xalinta Arinta Noocan Oo Kale Ah:- Xalinta iyo waan-waanta xalka arinta noocan oo kale ahi maaha mid qofkastaa ka hadli karo, fikir iyo waxay ila tahay midna uma noqonayaan xal muuqda oo lagaadhi karo, waayo waa arimo diinta la xidhiidha oo waxa jira culimo iyo wadaaddo aqoon iyo cilmi u leh ka hadalkeeda.

Dood iyo is hor fadhiisi culimada oo dhami, waa xalka iyo turxaan bixinta arintan diinta ku saabsan, su’aalo dhawr ah oo la iska weydiiyo arinttan oo kale waa mida u noqonaysa xali muuqda. Intaas kadib, habka ugu fudud ee xal lugu gaadhi karaa waa in la is hor fadhiisiyo culimadda diinta ee dalka iyo xubnahan isla markaana culimadu weydiisaa xubnahan la yimi ururdiimeedka cusub su’aalo door ah oo ka dhex guuxaya Maskada bulshadda kuwaas oo ay kamid yihiin

  1. Ugu horeyn maxaad ka aaminsantihiin diinta islaamka hadii aad tihiin Al-saadicuun-bilxaq?
  2. Maxaad ka Aaminsantihiin Nabi Maxamed Csw?
  3. Maxaad ka Aaminsantihiin Axaadiista Rasuulka?
  4. Maxaad ka Aaminsantihiin dadka Islaamka ah?
  5. Maxaad ka Aaminsantihiin Xukumaddaha ka taliya dalalka Islaamka?

Su’aalo ay kamid yihiin kuwan aan kor kusoo xusay waa habka ugu fudud ee lugu gaadhi karo xal muuqda, dood iyo munaaqisho ay wada galaan culimadda diinta iyo xubnahan urur diimeedka ku dhawaaqayna waa hab lagaga maarmi karo xadhig iyo cabudhin.

Wabilaahi tawfiiq

Suxufi, Qoraa madax banaan

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Hargeysa-Somaliland


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada