MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Dawlad Afrikaan ah oo iibsata Baabuur Lagu Farsameeyey Gudaha Dalkeeda

Golaha Wasiirrada ee dalka Ghana ee ku yaal galbeedka qaaradda Afrika, ayaa ku dhiirraday inay iibsadaan, isla markaana ku xarragoodaan baabuur gudaha waddankooda lagu sameeyey si loo dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo wax-soo-saarka dalka.

Sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka Ghana (Ghana News Agency) oo Maankaab soo xigtay, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalkaas, ayaa bilowday tallaabadan dhiirrigelinta ah, iyadoo inta badan iibsata baabuurta gudaha dalkeeda lagu farsameeyo.

Wasiirka Ganacsiga Mr.  Alan Kyeremanten, ayaa iibsaday gaadhi noociisu yahay Kantaka SUV oo uu siistay lacag dhan 150,000 lacagta Ghana ah (Ghanaian Cedi) oo u dhiganka 33975.11 doollar.  Waxa uu sheegay in arrintan ay qayb ka tahay qorshe dawladdu ku dhiirrigelinayso ganacsatada wax-soo-saarka muhiimka ah la yimaad si loo hubiyo in tiknoolajiyadda Ghana la jaanqaaddo kuwa waddamada horumaray.

Xafiiska Maankaab
maankaab1@gmail.com

 


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada