MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Dadka Diirka Madaw Waxa soo Maray Waqti loo Haystay in aanay Bina’aadam iyo Xayawaantoona ahayn!

human-zoos-village-senegalais

Dabayaaqadii qarnigii 19aad ilaa horraantii qarnigii 20aad oo ku astaystay waqtigii guumaysigu ugu ba’naa, waxa Qaarada Yurub iyo Maraykanka dadka diirka madaw loo haystay in ay la darajo yihiin xayawaanka, waxaana lagu arki jiray iyadoo dadka lagu ilaaliyo xerooyin la mid ah kuwa xayawaanka lagu xafido.

Waxa xeryahaas si wada jir ah ugu noola qoysas iyo dad dalal shisheeye sida ugaadha looga soo kaxaystay, kadib waxa dadka lagu hayn jiray shabag amma qafas adag oo la mid ah ka xayawaanka lagu xafido, halkaas oo nolol maalmeedkooda lagu siin jiray, sida xayawaankana loogu quudin jiray.

Dadka xero-dhaladka ah (Indigenous people) ee Qaaradaha Afrika, Eeshiya iyo Amerika, waxa ay ahaayeen dadka qafasyadaas lagu xareeyo, sida xayawaan goob lagu soo bandhigaayana dadka caddaanka ah meelo ay isugu yimadeen lagu daawado.

Marka dadka hoyadooda laga soo qafaasho, kadibna la soo dhex mushaaxiyo badweyna waxa lagu hayn jiray xero dayran amma qafas ka xayawaanka lagu ilaaliyo ah, iyadoo qof kastaba amma qoys kastaba bartooda  mala-awaal ahaan loogu eekaysiin jiray degaankay ka yimadaan sida in loo beero dhir u muqaal eeg tii ka bixi jirtay degaankooda, guryo u eeg kuwooda amma cunto loo eekaysiiyey tay degaankooda u cuni jireen.

Waxa xerooyinka iyo qafasyada lagu xidho u soo daawasho tegi jiray dad badan, iyadoo laga dhigi  jiray shayo carwo lagu soo bandhigay oo cajiib ah, qaar badan oo ka mid ahna lagu qasbi jiray in ay metelaan riwaayado ka turjumaya dhaqannadooda iyo caadooyinkooda sida hannaankooda guur amma hannaankooda kaabe qabiil ee ay isu maamuli jireen.

human-zoos-filipinos-circle-768x549

Dadka sida alaabta la soo bandhigo waxa lagu dooran jiray oo hadba lagu iibsan jiray sida jidhkoodu u dhisan yahay, gaar ahaan haweenka iyo raggaba sida cilmi-baadhisaha la sameeyey xaqiijiyeen.

Waxa loo yaqaanay amma loogu yeedhi jiray “Xidhiidhkii Baydhay amma Lumay,” taasoo looga in ay Bina’aadaminimadii ka baydheen oo ay u dhaxeeyaan dadka caadiga ah (Caddaanka) iyo danyeerad sida ay taariikhyahannadu qoreen. Arrinta iyo aragtida noocan ah waxay sharciyeysay, siina kordhisay in guumaysigu dunida ku fido waqtigaas.

Inta badan dadka la soo bandhiga amma qafasyada ku jira may fahmayn halka ay u joogaan amma ka taagan yihiin dadkan u soo daawashada tegay, waxa ay arki jireen uun dadka diirka cad ee bahdilaya, kuna soo xoomay.

Inkastoo waqtigan la soo dhaafay, haddana waa taariikh madaw oo dadka dunidu soo mareen, haddana laga hayo sawirro, muqaallo iyo qoraallo xusuus dheerada leh oo kaydka taariikhda galay.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada