MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Bisha Ramadaan: Dalalka Laga Soomo Saacadaha ugu Badan iyo Kuwa ugu Yar Adduunka

Waxa lagu jiraa maalintii afraad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanay dalalka caalamku u kala duwan yihiin saacadaha la soomman yahay, iyadoo ay jiraan magaalooyin dal qudha ku yaal oo haddana dhinaca saacadaha kala geddisan.

Inta badan dalalka Carabtu waxa ay soomaan 13 ilaa 17 saacadood, halka ay jiraan dad muslimiin ah oo intaa in ka badan amma ka yar sooma, gaar ahaan kuwa ku nool qaybta koonfureed ee adduunka.

Sida lagu iftiimiyey daraasad cusub, dalka Aljeeriya ee woqooyiga Afrika waxa laga soomi doona saacado ka badan inta dalalka kale ee Carabta laga soomo, iyadoo saacadaha soonka Aljeeriya ay gaadhi doonaan 16 saacadood iyo 44 daqiiqo, halka muwaaddiniinta iyo dadka ku nool Jasiiradda Komoros (Comoros) ay soomi doonaan saacado intaas ka yar oo dhan 12 saacadood iyo 45 daqiiqo.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, celcelis ahaan dalalka Scandinavian ee woqooyiga qaaradda Yurub waxa laga soomi doonaa 20 saacadood oo xidhiidh ah, balse Finland ayaa noqonaya dalka saacadaha ugu badan laga soomo, waxana muhiim ah in la ogaado in muslimiinta ku nool dalka Finland ay habeen ku jirayaan 55 daqiiqo oo keliya, taasoo macnaheedu yahay in dadku soomanaan doonaan 23 saacadood iyo 5 daqiiqo oo maalin ah amma qorraxdu soo jeeddo.

Geesta kale, Muslimiinta ku nool Gobolka Ochaya ee dalka Argentina waxa ay soomanaan doonaan saacadaha ugu yar oo aan ka badnaan doonin sagaal saacadood.

Guud ahaan Muslimiinta Jasiiradda Iceland iyo Greenland ku nool waxay soomi doonaan 21 saacadood, halka Norway saacadaha soonku noqon doonaan 19 saacadood, dalka Ingiriiskana 18 saacadood. Sidoo kale, Canada celcelis ahaan waxa laga soomi doonaa 17 saacadood.

Magaalo-madaxda Australia ee Sydney oo ah qaybta koonfureed ee adduunka waxa saacadaha soonku gaadhi doonaa 11 saacadood iyo 35 daqiiqo.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada