MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

15 Dal ee Qaarada Afrika Xagga Barashada Tacliinta ugu Sarreeya

Marka la qiyaasaayo heerka tacliinta dal bulshadiisu taagan yihiin waxa loo eegaa boqolkiiba inta da’ walba tacliinta ka baratay. Inta badan waxa lagu cabiraa tacliinta dadka waaweyn dadka 15 sannadood u jira amma ka weyn, halka dhallinyarada tacliinteedana loo eego 15 jirka ilaa 24 jirka dalkaa inta wax ka baratay.

Afrika oo inta badan lagu tiriyo in dadkeedu aqoonta aad ugu liitaa sababo la xidhiidha saboolnimada, dagaallada sokeeye iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee abaaruhu ugu horreeyaan, waxa haddana jira dalal badan oo aqoonta meel sare ka gaadhay, waana lagu kala horreeyaa.

15 dal ee soo socdaa waa kuwa ugu tacliinta wanaagsan Qaarada Afrika ee xagga waxbarista ubadkooda iyo dadkoodaba ku dedaala amma ay fududahay in laga helo waxbarasho aasaasi ah.

1.     Sibabwi (Zimbabwe)

2.     Ikwatoriyal Gini (Equatorial Guinea)

3.     Keniya ( Kenya)

4.     Koonfur Afrika (South Africa)

5.     Nambiya (Namibia)

6.     Jasiirada Sa’o Tome and Birinsibe (Sao Tome and Principe)

7.      Boqortooyada Lesodo (Lesotho)

8.      Jasiirada Murishis (Mauritius)

9.     Jamhuuriyada Congo ( Republic of the Congo)

10.                         Liibiya (Libya)

11.                         Iswasilaan (Swaziland)

12.                         Botiswana (Botswana)

13.                         Sambiya (Zambia)

14.                         Kayb Farde (Cape Verde)

15.                         Tuunisiya (Tunisia)

Dalalkan kaalmaha hore kaga jira xagga tacliinta Qaarada Afrika, sababtoo ah 85% dadka ku dhaqan  waxbay barteen amma bartaan, haddii aan dalkaaagu halkan ku jirana waxa uu ka mid yahay dalaka tacliintu tahay 50% amma ka hoosaysaba sida lagu daabacay jariirada Africlandpost oo Maankaab soo xigtay.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada