MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Dal Bariga Afrika ah oo Doonaya inuu ka Guuro Hannaanka Sabbuuradda Wax Lagu Dhigo, una Wareego Hab Casri ah

Smart-classrooms-Uganda-1024x576

Dawladda dalka Rwanda, ayaa qorshaynaysa in dugsiyada waxbarashada dalkeeda ay ka guuraan hannaanka dhigista qaddiimiga ah ee sabbuuradda wax lagu dhigo, loona wareego in ardaydu tiknoolajiyada (Smart classrooms) wax ku dhigtaan dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2017.

Shirkadda Microsoft, ayaa qorshaynaysa in ay dhijitaal ka dhigto hannanka waxbarashada alka Rwanda, waxaanna ardayda la siin doonaa kombuyuutaro, barnaamijyo aasaasi ah (Basic Softwares) iyo internet si hannaan casri ah looga dhigo habka barista iyo dhigashada (Digitize teaching and Learning).

Maareeyaha Shirkadda Microsoft u qaabilsan waxbarashada galbeedka, bariga, badhtanka Afrika iyo Badweynta Hindiya Mr. Warren La Fleur, ayaa wargeystka The New Times oo ka soo baxa magaalada Kigali u sheegay toddobaadkii hore in dufcadii ugu horraysay ee arday ah lagu hirgelin doono hannaankan dhammaadka sannadkan.

“Waxa aan leeyahay in dhammaadka sannadkan dakhlsi sannadkeedkiisa lagu hirgelin doono fasalo casri ah (smart Classroom) dalka Rwanda, iyadoo hannaanka dhijitaalka (Digital) waxbarashada loo beddeli doono,” ayuu yidhi Warren.

Mr. Nkubito Bakuramutsa oo ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Waxbarashada Rwanda, ayaa sheegay in hannaankan waxbarasho uu hoos u dhigi doono kharashka qalabka waxbarashada ku baxa ee dugsiyada, korna u qaadi doono waxbarashada dalka.

“Waa istaraatijiyad la iska kashanaayo. Fikradan waa in la horumariyo ardayda Rwanda si ay noqdaan muwaadiniin caalami ah, iyadoo hab maxali ah looga shaqaynaayo si qaarada Afrika loo gaadhsiiyo, laakiin aakhirka dunida oo dhan ku fidi doonta. 500 fasal oo casri ah (smart Classrooms) ayaa la hirgelin doonaa August 2017,” ayuu yidhi Mr. Nkubito.

Dhammaan Ardayda Rwanda, ayaa la rajaynayaa in ay internet helaan 2020-ka, halka waqtigan 532 fasal oo Rwanda ah oo 3,500 arday dhigtaan lagu xidhiidhi doono internet ay wax ku bartaa,  sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Dr. Musafiri Papias Malimba sannadkii hore.

Xafiiska Maankaab

maankaab1@gmail.com


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada