MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Silsilada Shiinlayda ee uu Dhawaan Bilaabay Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad

Hargeysa(MK)-Bisha February ee 20017 waxa bilaabantay silsilad “Shiileyda” loo bixiyey oo abwaanno da’ yar ka qaybgaleen. Silsiladan ayaa ka bilaabantay meerisyo kooban oo uu Abwaan Sidiiq Burmad kaga hadlay shirarka jaraa’id maalin walba, isagoo ku duray in aanay wax macno ah ku fadhiyin,  sidaa darteed waxay isu beddeshay silsilad maansooyin dhaadheer leh, kadib mari uu Xasan Dhuxul Laabsaalax kaga jawaabay maansoo, taasoo keentay in abwaanno badan iyo dhallinyaro suugaan jecel ay ka qaybgalaan silsilada.

laabsaalax

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ku soo hal qabsaday abwaan Sidiiq maxamed burmad ayaa yidhi sida tan:

Shaxda Garo Sadiiqoow

Ina ganay Shilkii Dhacay

Ma ogayn Shalaytee

Batuun iyo la shawr guray

Fartaag hoos u Wada shira

Xaaji shabaga Soo gali

Shanqadhaha badh baa jira

Laga qariyay Shicibkee

Shiishka Saar Wacyiga jira

Garashada bal Shaandhee

Xogta Shaadhka Loo Tolay

Inaad Sheegto Waa Gare

Dareenada Shakiga Dhalay

Yaa Keenay Shaarica

GoorMuu Sharcigu Yidhi

Danbi Sheekha kama dhaco?

Doonidii Shiraacnayd

Shixnadeeda Yaa dhacay?

Goormaa Shuruud Li,i

Sharka Khayrka loo Rogay?

Damiirkii Shakaalnaa

Hadmuu shilinku maamulay?

Sheekada Intaad Daday

Ha Sharaxo Wax garadkuye

Maalintii Shilkaha Culus

Laysku Shiishay Baaruud

Ninka Dhiig u soo shubay

Ee Shahiid Ku Talo Galay

Markuu Saaka Shaacee

Qiiq Shareeran Daawaday

Shalay Dhaantay buu yidhi!!!

===========================

Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad

sidiiq1-696x696

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

mas-dilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

masdilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

shookaanta kuu qabay

shib dhe kii la odhan jiray

shicib waa” indheergarad

markii shaalka loo sudhay

iyagoo wan shilis qalay

waa kuwaa shariiryaha

cunayee ka sheekee

iyagoo intii shalay

aan shilin cid uga tagin

waa kuwaa shandado kale

rartayee ka sheekee

cirkanoon raxmaad shubin

shansannoo abaaro ah

bal kuwaa shaqaystee

shilinkii yimaadaba

shuuqsaday ka sheekee

sida shaagga loo rogo

shishe iyo dib loo wado

waa kuwaa shuruucdii

shabagii ugaadhsiga

ka dhigee ka sheekee

shaqaaqooyin faafiyo

xaalado shacbiga dhiba

guddi shaaci mooyee

awoodaha dabkoo shidan

shuuriya ka sheekee

shaqsibaa la doortee

shaadh bira rag loo tolay

iyo dhowr shalmado xidhan

shidhku deeqi maayee

shil intaanu wali galin

wadayaal ka sheekee

waa amar shirkadahoow

u shaqeeya caynkaa

shilinkaa la kabayaa

bal inay shantarad tahay

shalay uun go’aankii

dhacay uun ka sheekee

baryahaaba shalowyay

qodayeen shisheeyuhu

shaqadooda yaa yidhi

shidaal baadhis weeyaan

sahan aan xog sheegayn

bal aduu ka sheekee

Dhamaadka wada sheekaysiga

============================

Abwaan AXMED CISMAAN BATUUN

batuun

Shirka maansayahankee
Xasan shaaciyoow bado
Ha is dhaafo shoocaac

darandoorriyoo shuba

Shida oo ha oogsado

Ha shaqeeyo golihii

Shiishka saari jiray meel

Ee shicibku tabayeen

Hala gubo shayaadiin

Ku shaqaysta dhawr magac

Qudhayduna shilays iyo

Murti sheegan maayoo

Shaaggaan u rogayaa

Shookaanna ma lehee

Ragii shiili jirayee

Sida shaanbaddoo kale

Shadka saari jiraybaan

Xalay sheedda ka arkoo

Isla shawrisbaa tidhi

La shaqee abwaanada

Kala shubay warkiinii

Shaandheeyay weedhaha

Runtu waa shahiidnimo

Dadna shaahid weeyaan

Gefka sheelan lagu yuus

Hal abuurka shicibkuna

U bayaami shuqulada

Shakaal goo dulqaadkii

Shar ka wayn siyaasiga

Iyo sheeko daahnayd

Hal abuurku isu sheeg

Sharafyahaw maryaha tolo

Adna sheekh haldeeqoow

Qabo shamaca nuurka leh

Ha shallaado maansadu…..

===========================

Abwaan Axmed Fartaag

 

Sheekha lacagta qaatee

Shib ka yidhi xaqiiyee

Shilmaad ku doorsaday

Inuu diinta sheeguu

Shakaal dawlad lagu xidho

Shacabkana wanaag faro

Sharka iyo dhibaatada

Dadka shoolad uga digo

Xasanow. Ku shubashadu

Sharaftii Abwaanada

Qaar bay shalaadkii

Kaba shuuri tidhi-yoo

Runta uga shakaalmee

Saw siyaasi sheekada

Shaxda ruuxa lagu dago

Kubad shabaqa muu dhigin

Waxa shiinka keenaa

Bal in loo sharaxo iyo

Dadku shaafi sugayee

Shaqalkiyo u jeedada

Shibanaha bal noo sheeg

=========================

Abwaan Cabdi Wali Saxardiid

cabdiwali

Shar la aan mid nabadiyo

Dalka weli shil kama dhicin

Shifo caafimaad iyo

Shukri mahad ah weeyaan

Shicirka iyo maansada

Ragga shaqalka erayada

Shibanaha ka yeedhshow

Shadka alifka diidiyo

Waxa keenay shaashada

Shicibkaa horseed ka ah

Shilalkay is geeyeen

Ayaa lagu shukulayaa

Iyagaa shalaaftiyo

Isu gooya shirixyada

Iyagaa shirqoolkiyo

Isku xidhaya shookiga

Shar la aan mid nabadiyo

Dalka weli shil kama dhicin

Shifo caafimaad iyo

Shukri mahad ah weeyaan

Shicirka iyo maansada

Ragga shaqalka erayada

Shibanaha ka yeedhshow

Shadka alifka diidiyo

Waxa keenay shaashada

Shicibkaa horseed ka ah

Shilalkay is geeyeen

Ayaa lagu shukulayaa

Iyagaa shalaaftiyo

Isu gooya shirixyada

Iyagaa shirqoolkiyo

Isku xidhaya shookiga

Iyagaa shacaabkiyo

Iska tuura shalawyda

Iyagaa shilka dhaca

Isku aadsha shiishkoo

Nacab sheela duxa wadan

Dhiigood u shubayoo

Iyagaa shax guurkiyo

Isu keena sharaf dhaca

Shuushkiyo warwerkiyo

Shaabuuga lala dhacay

Dib inay u shawraan

Ugu sheega gabayada

Iyagaa shacaabkiyo

Iska tuura shalawyda

Iyagaa shilka dhaca

Isku aadsha shiishkoo

Nacab sheela duxa wadan

Dhiigood u shubayoo

Iyagaa shax guurkiyo

Isu keena sharaf dhaca

Shuushkiyo warwerkiyo

Shaabuuga lala dhacay

Dib inay u shawraan

Ugu sheega gabayada

=============================

Abwaanad Layla Sagal Cali

layla

Niman kiinan showree

Sheekaysanaayoow

Duni shaama reertaad

Shawakhaad la joogtaan

Shax nimaan aqoon oon

Kala shubin aduunkoon

Shacabkana jihaynayn

Miyuu shaahba helayaa

Waxa loo shushubayaa

Lagu kala shaqaystaa

Shuqul gaara weeyoo

Inbaa sheer wadaagtoo

Dabka shidi taqaanoo

Dalka shoolad baa taal

Lagu shiilo maatida

Hilbohooda shuukhana

Shilimaad la dhaafsado

Hal-abuur shantiiniyo

Shankalaa fayow oon

Wali shuuxu gaadhine

Taxliil sida sharaabkii

Intaan lagugu soo shubin

Shaashadaha istaagoo

Shiishkiina meel dheer

Ku shakaala weedhoo

Hiilka shacabka soo gala

Baaqaa shirwaynee

Laabsaalax sheegee

Batuun shaacinaayee

Burmad shamac u daaruu

Shocaacii ka qaadiyo

Curinteda shiin-lay

Yaan la iska sheeline

Cida shaadh cadaanniyo

Huwan sharaf dadkiisiyo

Shaadh madoow kuwii xidhan

Haka eegin sheedoo

Runta shaal ha saarine

Golayaal ka sheegoo

Shaaracyada balsoo tuba

Shaandho aan u qaadnoo

Ha wareego shuushkuye

==============================

Abwaan Abdilahi Hasan Ganey

abdilahi-xasan-ganay

Wax la sheeli karayoo

La shareero Dhuxuloow (Duhul)

Shilku waa ka waynyee

Hal abuurkan shirayaa

Wax ma shaafin karayaan?

Halabuurkan shirayaa

Shicibkooda quustee

Laga shubay kalsoonida

Laga shiilay dhaqankii

Shilinkoodi laga cunay

ee sharafta laga dilay

Wax maw sheegi karayaan???

Gudcur bahal shanqadhayaa

Shaki galiyey beeshee

Halabuurkan shirayaa

Shamasadoo aroortiii

Nuurkeedu shaaciyo

Sida shamac ma nuuraan???

=============================

Abwaan Sulub Sh Maxmuud

abwaan-sulub

Xasanow shuruudiyo

Kala sheegan hadalkuye

Shaan dhee ujeedada

Adigoon wax sheelayn

shuqulkiyo shabaag taba

Haday shicibku moogyiin

Shaki kama aloosmeen

Sheekooyin kii dhacay

Shirabkiyo waxqabadkuna

shaan shaan intuu yahay

waasheed ka,daalaco

Hadalada shalaal ka ah

Shax shax iyo shirbuuq buuq

Waxma shaafiyaayee

Shaaracu ha,muuqdee

Shilisaa warkeenani

Tiifiigu wariyaa

Damiirkii shirqool baa

Shafka loogu xidhayoo

Ma,sharaysto shicibkii

Haduu shilinku maamulay

Shaxaad kaaba looshiray

Garashaduna waasheed

An shirabo ujeedada

Shiishkaygu daarane

Xasanow shaxdaa gabay

Adaa sooshirabayoo

shaaraca dhex keenaye

Ma,shaan dheeyay aniguna

Garashadii shiraaqnayd

-==================


Abwaan Sakariye Jaamac Muuse

 

Hadalkiinu yuu shiikhin

Yaan shaadhka laga saarin

Yaaan shiishka laga weecin

Sheekadu halkay joogto

Shaxda yaan la wada fiirsan

Dadku yaanay wada shuuqsan

Cidkastaaba shaashaynin

Shinbiruu ka qayb qaadan

Marka aad shir doonayso

Kaligaa in aad shawrto

Shacabkoo dhan ha u sheegin

Shamac yaaan la wada daaran

Ha shukulin galay shiidan

Adoon shaandhadii haysan

Shiraaq laguma kala haadsho

Shaadh looma dhigo heeda

Shiidku yaanu kaaa gaaban

Shiishku yaanu kaa weecan

Adoo rabay shariim hoose

Dadka inad u wada sheegto

Sharka haysku soo leexin

Shubka sare ha soo duminin

Shini haysku kaa kicinin

Shalay malabki laga qaatay

Si laguula kala Shiilo

Abwaanadu u shaandhayso

Shiinku waa halkeer dhawe

Erayada shishaaa fiican

Dadka inaad wax ugu sheegto

Adigoo shar diidaaya

Adoo tuugo sheegaaya

Shilimaadki guranayaa

Sheekh ilaahay adigoo ah

Shacabkana u doodaaya

Hadaad shiishka garan waydo

Sharaxaadu kaa baydho

Adigaa shil gali doona

Shalaw buur ka odhan doona

Dadeed shib odhan doona

Shaxdu si ay u waynaato

Shaqalkuna u fiicnaado

Waar shiinkan naga daaya

Oo sheeko kale keena

=========================

Mustafe Xasan Cabdillahi

mustafe-xasan

Dab lashiday kulay keen

Shax ladegay irmaandhal

Dayaxuna shinkiisii

Isagoon shucaac qabin

Shamsa noqoy nurkiisii

Shimbirkiyo ugaadhii

Shanqadh daaye waayadan

Shabagii sakaarada

Dalaq yidhi shabeelkii

Sharaf dhimatay waayeel

Shilin noqoy hankiisii

Shacabkuna damiirkii

Sharci noqoy wixii uu

Ka diddaayey shalayto

Aniguna shilkaa dhcay

Anfariir shantaa dhaban

Yaabkii ku shaanbee!

Shirkan ay abwaanadu

Shiinlay ka curiyeen

Ninba maankiis shiilyoo

Shookaanta maansada

Hadba meel ku shiishye

Waa su’aale sheekhow

Shakibaabay igalisee

Dowladnimo ma shaadhbaa?

Suudh iyo shaxaadbaa?

Danyaraha shiddeeyoo

Shaanshadooda loogba?

Wankii shilisba waayadan

Sheekhii bireeyee

Badhidiyo shariiryaha

Subagiisa shiilee

Haamaha ku shubaya

Ma siyaasi sheegbaa?

Waa maxay sharkani dhacay?

Ee shishe la eegayn!

=====================
Abwaan Cabdi Aadan

 

Duulka aan sharmooye

lagu sheegin kheyrke

wanka shilis shaley qaley.

cidna shilinka uga tegin

cirka gudhan shanta sano.

ka shaqeysanaya

ma shaydaan tahriibo

shixnadu sideenba?

ma shisheeye cadawo

dalka shaleyta yimido

shaaliyo khamiis la?

Raganimo Omar

Murtideeni shiilayd

Sharafteedu way nayd

Sharaxaada maansada

Sharka lagu cadayn jiray

Hadii lagu shaxaatamo

Shaadh madaxda loo xidho

Sheekh male warkeeduye

Abwaanadan shiraayoow

Shaacaba ka qadoo

Sharcigana ha dhaafina

Sheedaad ka aragtee

Sharaftana u meel daya

Shicibkana ha shashayn

Madaxdana ha shaaabadin

Sheeg sheegtay xumahee

Wanagana bal shaandheeya..

=====================

Abwaan Siciid ibraahin Dool

guray-dool

Wali sheeko wa bilaw

shaxda jeexan ee dhigan

hawmalayn shantaradii

wa shiish abawaan sugay

wa shabag badwayn yaaal

wa ceel shan baac qodan

wana laba shub mansadu

==============

BAARUUD CABDILAAHI CILMI (Jooga denmark)
Shalaytiyo wixii dhacay.
Hadaan laga shanlaynoo.
Shuguxshuguxda laga bixin.
Shuqul xumaddu waa abud.
Sharaftaba intaan sudhay.
Sharcigana ku aaminay.
Shaah haday na siisteen.
Ma shidnoo dabkoodii.
Intuu shiikhaybuu damay.
Afartaa ma shaamuday.
Hilayn shaacir ma ihiye.
Ma shabahay raggii hore.
Afar kalena shaaximay.
Shacabkuna gobweeyaan.
Geenyadii shiraaqnayd.
Shaalkana kor loo sudhay.
Haba shuuqa shuqeeyee.
Waligeed shisheeyuhu.
Shidhka sooma galinoo.
Shookaanta muu qaban.
Sheekhaygina warkiisii.
Inuu shoogsan yahay iyo.
Inuu jiro shil dhaawacay.
Shakibaaba jira baddan.
Afartaa ma shaamuday.
Hilayn shaacir ma ihiye.
Ma shabahay raggii hore.
Afar kalena shaaximay.

Shacabkuna gobweeyaan.
Golle shuuro lagu yahay.
Shirka noockastaa iman.
Danta guud mid sheeloo.

Danahiisa sheegtoo.
Halka shacabka laga hago.
Shilimaad u soo gala.
Iyo shulukha nagu jira.

Hadaan shiishka lala helin.
Inta shaabad lagu dhigo.
Shishe lagu figaynayn.
Sheexdu waa halkeedii.
Afartaa ma shaamuday.
Hilayn shaacir ma ihiye.
Ma shabahay raggii hore.

Afar kalena shaaximay.
Shacabkuna gooyeen.
Waxba yanay sheekadu.
Ku wareegin shiinkeenkee.
Shoodhayaasha badaniyo
Marka sheekha laga taga.
Shuushkiyo dhibaatadda.
Sharka waxa dilaal ka ah.
Shacabkiina khaayimay.
Raggii shaash loo tolay.
Shankaroonta waligeed.
Shimbirbaa u kici jiraye.
Ka shakaala ka u daran.
Shacabkuna gob weeyaan.
Ayagaana shaandhayn.

====================

ABWAAN YUUSUF XUSEEN DAAHIR,

Shukran Ina batuun iyo
Shanta shamac daartaay
Shirka aad Ku baaqdeen
Shacabkii tabaayaa
Shifo yidhi warkiineee
Ula jeedka sheekada
shaaca Aan ka qaadee
shaad madoobahaa badan
Kushaqaysa shacabkee
Runta shaadir saaree
Xaqiiqada shareeree
Shirqoolada maleegee
Cirka shaadir baa sudhan
Shaqal baa Ku maran wali
Shacabkana shakaalbaa
Shanshadiyo boqnaha jaray
Shamac baydun daarteen
Sharbaad dayraysaanoo
Sheekadii iblayskiyo
Shaydaan sharkiisaad
runta Aad ka sheegteen
Shirka maag ha noqonina
Sharka ruuxa jecel iyo
Shaydaan ha shuuqee
Sheedakana inoo wada
Shicibkeena shaafiya
Shaydaanka naaroo
Sharwaduhu ha quustee
Shuba oo wacdara dhiga…

=========================

ABWAAN NIMCO MUUSE SICIID 

Sheedaad ka aragtee Warkiiyoo
shushuban hoo Adoon
shacabka weerarin Wax la
sheego badan hoy Xildhibaankii
shiilnaa Wasiirkii shabcaankii Een
shilimo doonayn Shalay dooranee
kow Maantana shakaa yimid
Sheegay inuu shabeel yahay
Gaajadu ku shidan tahay
Oo hadba meesha shilis iyo
U Shiraaya qarankoo
Sharcigii hareer maray
Ninka shaadhka qarankiyo
Xidhan duubka sheekhnimo
Ee Ani sharkaygiyo jecel
Sharaf dhacaygee
shaasheeyay taladii
Shuqul xumada kaa wada
Shiinlayda maansadu shib ka
odhani Maysee waa inay
shakaashaa Dabin laga
shaqeeyiyo Shabagii kaluunkiyo
Udhigtaa jug shook badan
Shidaalkana ka goysaa
Waa inuu shirkoogiyo
Sheekadood dhamaataa…

======================

ABAWAN CALI DUULDUUL
Nimankiina shirayee
sheekada ka doodee
shaan shaan ka tuurow
waxa aad sheminaysaan
ama aad la shoocdeen
shiinley ka tiriseen
shiishka ba,ana saarten
shaadhka adag uu geliseen
Ama shooladaysen
Shaqaladda ku tebiseen
Shilaaladana siiseen
shacni kama dul muuqde
xageeba ku shubaysaan
ama aad ka showrteen
bal shirkaasi ku yahay
iisheega niman yahow.?????

======================

ABWAAN ISMAACIIL XUSUUN 
Shiinlay kumagac dhaban
Ninba shiishay aragii
Ana shifaytooo Shaxda
dhiga markaygee
Sheekada inoo wada
Mansadu shishaysaa
Shiishkeedu adagaa
Ma shoqul dawladeedbaa
Ma shirqoolkii coldoniyo
Baashe loo shirabaybaa
Ma Madaxdeena shilinkiyo
Shaxaadkuun taqaane
Dalka meesha ladaniyo
Meeshii badrool yaal
Shisheeyaha ka iibshaa
Shiinkiyo ujeedada
Dadka haw wada
shidnaadee Shaaca
maad ka qaadaan
Maxaad shiikhinaysaan
Laabsalaxaw sheeg
Shekadaad maldahaysee
Shiinka aad ka curisee
Burmad ina sidiiq iyo
Batuun aad Ku sharaftee
Shaqalkana kudaahdeen
Doonidaa shiracane
Shixnadeedu maqantay
Iyana yay u rarnayd sheeg…

==========================

ABWAAN CAYDARUUS XUSEEN
Mid shaxaada maatida
Hantidooda shuuqsada
Mid agoonta shalamsada
Shilinkooda heensada
Shirkadaha shisheeyaha
Mid shuruud la soo gala
Mid cabudhiya shacabkoo
Ruuxii wax sheegaba
Shabag jeela ku hubsada
Mid i kala shir-shiriyoo
Dadka kii shucuur daran
Shilimaad ku harawsada
Labadii yar shawrtee
Sheeko yara wadaagtaba
Mid dhinmbiil ku kala shida
Shoodh kulul isugu xidha
Kii aan shakaaleen
Shirabeen Aloosoba
bal maxaa shabeel iyo
Shaarubo libaaxliyo
Shar wadeen ka wada dhigay
Shacabkiyo dadkaygii
Shib maxaa ka wada dhigay
walee shaalki ceebow
Sharaf dhace khamiisyadi
Iga dhimatay sheekhnimo
Inta shiinka maansada
Shaxda ila fahmaysaay
Wada shiisha godadkaa
Wada shiida bohoshaa
Shalaw yada ku wada rida
Inta shaadh waraabuhu
Shankaroon la maqan yahay
Ku shalaada maansada
Cuud iyo ku shida foox
Shugux shugux ku wada tuma
Hooy shuushka wada dheha
Shimbiroow ku wada ciya
Yuu maqasha shaashayn
Wankuu shiilayuu cunay
Shanshaduu liqee maqan
Ha matago shan-laabkeed…

============================

ABWAAN SACAD JIBRIIL AXMAD

Shaacirada dalkeygoow
Murtidiinan shilisee
Xasan shaacinaayee
Batuun uu shiribay iyo
Dhambaaladan shakibanee
Sidiiq uu sharaxayiyo
Murtidiidan shiinka ah
Heley sheekadeediyo
Wixii ay shuqleysaba
Shaaciradii dalkeygow
Aduunyadii shidowdoo
Ma ogtahey shalay iyo
Shaley dhaantey mooyee
Mabalaha shucuuriyo
Shuqul lagu badhaadhiyo
Aadmiga wax shaafiya
Shacabkii dalkeygoow
Aduunyadii shax guurtoo
Duulbaa u shirayoo Ku
shaqeysta taladoo
Sharefteenii dilayoo
Sharcigii ka baydhoo
Shaadh madow uxidhayoo
Shilin siduu u heli laa
Sharaftii ka doortoo
Shisheeyaha la xoogsada
Shicibkii dalkeygoow
Sharwadeen siyaasiya iyo
Sheeq lamoodaha Diintii
shaxaadee Ku shaqeystabaa badan…

=============================

ABWAAN NIMCAAN AHMED DAGAAL

Maansooyinkaa shidan
Shirkan aad ku baaqdeen
Abwaanadu ku shawreen
Shilkelaba dhiciisii
Axmed shaaciyee jira
Xasan shiishka saaree
Sidiiq uu shakamo furay
Anna sheekadaa wacan
Shaxda taala geedkiyo
Shibanaha aad astayseen
Midhkan aan ku shuudee
Shookaanta ii qabo
Shidhka hore ku soobood
Wanka shilis badh shiiloo
bulshaduna shifaan odhan
Ha ka shaacin adiguna
Garashada ha shaashayn
Galbiskana warkii sheeg
Cilmiguna shar maahee
ku shakaala geediga
Afartaa shinkeed galay
Ma ku shuuday goolkii
Halku shoodhku yaaliyo
Shabagkale markaan furay
Ku dhawaaday Sheekada
Xogtaasi waan shubay
Shaandhadii garaadkiyo
caqligii shuruud gali
Shaydaan lasii naar
Inta sheeganaysee
Shaki galisa taadii
Shirqool ay maleegaan
ku yihiin shuraakada
sida maanta shicibkii
Shilin loogu dabar jaray
Shaal loogu xidhaye
Sharaftooda qaadiyo
ku shaqayso lagu yidhi
shiid aad macaashtide…

=======================

ABWAAN WARSAME CIISE

Abwaan ma ihi laakiin woxoogaa ayaan isku dayaa, Waxan ka qayb qaadanayaa sil siladda,shiilayda ee uu bilaabay Abwaan Burmad,Gabay  kooban oo aan ku naqdinayo nimanka dawladda ka soo hor jeeda ayaan ku soo galayaa.

Shirka dhacay shabeelada hadlee
Shantaba taagaaya
Shar wadeenka shaashaysan ee
Shiishka nagu fiiqay
Ninka shabaga noo daadiyow
Shiiqday taladaadu
Shicibku waa wax garad
sheeganoon Marnabad
sheelaynin Taladaad ka
sheekay nay seed
heekh ku xamanayso
Afartaa ku shaandhee ninkii
Shuufay beledkiisa
Ninka shaadh madaw noo
xidhaw Kaagu sharaf maaha
Ninka shirarka beenta ah qabtaw
Shuqul Masuul maaha
Ninka shamaca daartee
mugdiga Sharaxa shiibaaya
Markuu shaambad waayana
ninkaa Sheekha daba qaatay
Shar gudbane shaxaadkaad rabtaa
Shilinka ka  wayn haatan
Ma shariiryo awrbaad rabtaa
Shooki  lagu geeyo
Ninka shicibka doonida ku guree
Badda ku shaybaadhayaa
Sharka dibad ka soo heesayee
war li’I Shaarubaha fiiqday
Shanta eray  su’aaleed
anaa Shaafi kaa odhane
Shirku waa mid nabadee
la soco Sheeko baralayda
Shicibkiyo dadkaygana ma dhicin
Sharaf ma duugaynin
Shirqoolada qurbaha yaala
ee Shar lagu doon doono
Ka waynaaday sheekaduu riyada
Sharcina waa yeeshay…..Intaa ugu dambaysa waxan ugu jawaabayaa inaadeerkay Cabdilaahi xasan Geney, Waad mahadsantihiin…

LASOCO QAYBAHA DANBE WAA SILSILAD FURAN

Haddii aad tix amma Gabay hayso ku soo dir;

maankaab1@gmail.com amma Hargaysaonline@gmail.com

 


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada