MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Fanaan Caan ah oo Hargeysa ku Geeriyooday DHAGAYSO

Allaha U  naxariistee waxaa maanta galinkii Dambe ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa fanaankii caanka ahaa ee Shay Mire Dacar.

 

Geeridda Fanaanka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Walaalkii Caabi Mire Dacar oo isna ka mid ah fanaaniinta Soomaalida.Caabi Mire Dacar waxaa uu sheegay in muddooyinkii dambe uu Shay Mire Dacar uu xaalad Caafimaad daro u jiifay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Shay Mire Dacar, oo ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansan Soomaalida waxaa uu fanka ku biiray sanadihii 80kii, waxaana uu ka bilaabay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Shay Mire Dacar waxaa uu ahaa fanaantii loogu jecel yahay codkooda markay ay heesayaan, waxaa uu qaadi heeso badan oo Soomaaliya, waxaana uu ka qaybgalay bandhigyo badan oo lagu qabtay Gudaha Somaliya iyo Dalka Dibadiisaba.

Halkan ka Dhagayso Caabi Mire Dacar oo ka waramay Geerida Shay Mire Dacar.

Dhinaca kale waxa bulshada ka tacsiyadeeyay geerida fanaanka xisbiga Kulmiye,warsaxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay xafiiska xisbiga Kulmiye ayaa u dhigaa sidan .Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada qaybaha bulshada ee xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, bahda fanka, qaranka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Mire Dacar (loo yaqaanay Shay Mire) oo ahaa fannaan caan ah oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa galabta 17/07/2016.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Shay Mire Dacar inuu ahaa hal-abuur ku xeel-dheeraa qaybo ka mid ah waaxyaha fanka Soomaalida sida heesaaga (fannaanimada), tumista Kamanka, samaynta laxanka iyo midhaha, isla markaana uu kaalin wayn oo mug leh ka soo qaatay hanno-qaadkii fanka dadka Soomaalida, gaar ahaan reer Somaliland oo uu muddo dheer ku soo jiray.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka, asxaabta iyo bahda fanka ee uu katirsanaa uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada