MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Maanada Darmaan & Dalxiis

Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays)

 

Waa dahaadhka oogada

Dubka iyo maqaarkuye

Haddii diirka laga qalo

Jidhku damaq ma yeeshee

Dhaqankaaga duudsiga

Marka dayro laga dhigo

Noloshaadu deyr iyo

Illayn diirrimaad ma leh!

Haddaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabbaalayn

Dabar kaa qabtaa jirin

Dadku waa be layee

In dameerka aadmigu

Darajada ka hoos maro

Ama dawladaha qaar

Xayawaanka duurkiyo

Dugaagii ka litaan

Kumay jirin duruustee

Diiwaanka waayaha

Dib maloogu qorayaa?

 

 

Dalxiis

Waa darmaan u xidhan qaran

Iyo duul cadaawe ah

Dameerkii xidhnaayee

Dulmanaa mudada dheer

Waa dirkii jafaaloo!

Waa dinnaaha dheere

Doodiisii waa tane

Dalka maamulkiisii

Sida loogu dabar go’ay

Ninkii doonayoow maqal

 

Waxaan idhi darmaanoow

Hay danbeeyo yaabkuye

Waa kuma danbiilaha

Anoo qaranaka duminlaa

Daar igula kaa xidhay?

Darmaan-baa wuxuu yidhi

Ma duugana dirig ximir!!

 

Dalxiis

Yaa, yaa darmaanoow

Derbay-noo dhexeeyee

Kor u qaad diinnahada

Maxaad tidhi darmaanoow

Bal ku celi dabuubtii

Hadalkana i deeqsii

 

Darmaan

Dooddiyio codkaagaan

Ka aqaan duleedkoo

Dayrtii fogayd baa

Nooogu kaa danbaysoo

Waxaad tahay darwiishkii

Maansada dalayn jiray

 

Malaa jeelka daawiyo

Dalxiis baad ka dhigatee

Anigiyo dadkii kale

Docdaad nagu ogayd baan

Darxumada la jiifnaa!!

 

Hablihii dalkeeniyo

Debeddaad ka timidoo

Deeqa iyo luulbaa

Kugu sii danbeeyee

Maalintuu dameer ciyo

Anigaba dubkaygiyo

Jiidhkay dubaaxshoo

Xiisiyo dareen baan

La dannaaniyaayoo

Doogtii jacaylkaan

Dib u soo xasuustaa,

 

Didib iyo wax badan baan

Dirri adag ku jiifoo,

Meesha duulal hoosiyo

Dulin baygu dunayoo

Waan dakaansanahayoo

Diilalyaa i haysoo

Dood sare ma karayee

Waxaan idhi ma durugsana

Duqda xamar ka talisiyo

Dawladeeda weeyaan

 

Waryaa dalxiisoow

Dabayl baa dhacaysee

Hadalkaygu daaftiyo

Yuu dacalka kaa marin,

 

Dalxiis

Maya, maya! Darmaanoow

Dabayshaaba hadalkii

Kasoo lalisay deyrkee

Deelkaa gartee dhaaf,

 

Dawlad xumi ha talisoo

Bulsho haw darraatoo

Aqallada ha dumisoo

Dumarkiyo dhalaankiyo

Maatada ha dooxdoo

Ayaxoo dagaagiyo

Dirindiir sideedii

Inay dalagga beeraha

Degellada ka leeftoo

Dam ka siiso waab wabay

Misna talada kuma darin

Duunkana kumaan hayn

Dubaaqayga maan gelin

Intaan dunida noolaa

Ismaan odhan dad baa jira

Duunyada collaystee

Markaan eegay dulinkiyo

Xoolaha dayoobee

Xaqoodii la duudsiyay

Dalba nacaye waa yaab!

 

Arkaaga doog san lagu qabay

Yaanan hadalka kaa dilin

Darmaanoow adaa waday!

 

Darmaan

Duudkayga maaliyo

Dumar iyo alluugiyo !!!

 

Dalxiis

Yaa,yaa Darmaanoow

Xagaayaa da’aysoo

Dirqaan kugu maqlaye yaa

Duu-duuda iga daa!

Da’diyo iyo wow-ga kalasaar

Dibnahaaga fududee

Bal ku celi dulucdii

 

Darmaan

Duumada wax laysiyo

Daba dhiigna way-helay

Doogina way qabataa

Labadayda daan iyo

Ilaa duudka oogada

Wax baa igu dul nooloo

Sidaa ii digaafoo

Duntaydii ma joogtoo

Shaashkii dushaydiyo

Diirkaygii wuu go’ay

Kolkaan waayay dooggii

Iyo dahabadaydii

Darmaantaan lahaan jiray

Daaduuna way helay

Adiguna mid iga daran

Ina daaliyaad tahay

Dufan baanad aragoo

Duxdii baad ka raagtoo

Dhegi kuma dalooshee

Waxaan idhi dalxiisoow

Duudkayga maxasiyo

Dumariyo agooniyo

Danyar baan ku korin jiray

 

Diyaaradaha xiimiyo

Maraakiibta duurtiyo

Anaa gaadhi duuliyo

Doon uga dhignaayoo

Dusha waxaan ku qaadaa

Dahabiyo riyaaliyo

Doollar u ahaydoo

Sidii looga dilayee

Aabbahood dalluun dheer

Duhur loogu aabudhay

Degtaan ugu shaqayn jiray

 

 

Dalxiis

Deeg, deeg harroow deeg

Gawskaaga daangiyo

Doog hallagu casuumee

Halkaa iigu yara daa!

Kobtu deegad maahee

Waa degel silloonoo

Dabro weerar baa yaal

Shil maahee dulbaa’iga

Waxba ha u dardaar werin

Daymadaada bashiyo

Dacalada kasoo laab

Dulullaati kaymaha

Hullashada dar baa jira

Wax ku soo dugaalee

Meelaha dahsooniyo

Laanderyrta iga eeg

 

Dulucdii ku soo noqo

Yaa dilay wadaadkaa?

Ma duullaan qabiilbaa

Sababtiisa lagu daray

Maysagaa dakano qabay?

 

Darmaan

Maya, maya, dalxiisoow

Nin dabbaal ku jirayoo

Dunidaba ogeynoo

Doqoniimo jeelkaa

La soo doonataad tahay!

 

Maduullaan qabiil baa!

Dibnuhu yay ku kala tegin

Dartii haw cadaab mudan

Daahir wuu shahiidoo

Dabadheer abaartii

Tobankii la dilayee

Diinta aawadeediyo

Dar ilaahay dhimatee

Dabka lagu shiduu galay

 

Dalxiis

Aniguba darmaanoow

Daahir iyo wadaadada

Degellada gaboobiyo

Xabsigaan la degayoo

Gaalshire docdiisaan

Deris kula ahaayo

Dilka ka hor aroortii

Deldelaada loo wadey

Dacwaddiyo xadiiskii

Digrigay akhriyayeen

Dubaaqayga hoosiyo

Duunkayga kama go’in

 

Dulmaraye qasiidada

Haddaan kuu dacaal dhabo

Waxay tahay darmaanoow

Boqor aan dayoobayn

Boqor aan dakaamay

Boqor aan hurdada deyin

Oon cunno debnaha gelin

Waxa na leh midaan dumin

Wedku aanu dili karin

Dihashana kumuu iman

Isaguna dad muu dhalin

Da’diisuna gabow ma leh

Daraf iyo dhamaad ma leh

Dayaxiyo cadeediyo

Xiddigaha la daawado

Dusha samada ku taal

Ka deheeya weeyaan

 

Noloshiyiyo dabaylaha

Isagaa daruuraha

Iyo roobka soo dira

Waxay nagu dardaareen

Dadku waari maayee

Kol haddaan la daynayn

Wedka laga dmbaynayn

Duumiyo kaneecaa

Ajashaada duugtee

Durki mayso taadii

Dibna looma dhigayee

Intii dulin ku cuni laa

Ama ciil ku dili laa

Illaahay daraadii

Dadyow maa u dhimataan

Deeqsigu ha dhowroo

Daartii firdowsiyo

Dugsi wacan ha geeyee

Halkaa iigu yara daa

 

Debeciyo hasheennii

Deegaanka hawdiyo

Dacalada nugaaleed

Deex loo xer geyn jiray

Ama labada daamood

Daraaddeed colaadaha

Dabka looga shidi jiray

Iyo sida dameerkii

Koluu dumar ku dhaansado

Daldaloolka hoosiyo

Danahaaga hanan jiray

Hadba meesha doogga leh

Degmo looga dhigi jiray

Dibigaan ku qodi jiray

Dalaggaa iyo beeraha

Durdurada gammaankii

Dagaallada ku geli jiray

Iyo duunyadoo idil

 

Dulin iyo qaaniiniyo

Bahal iyo dugaagiyo

Daratiyo kud mooyee

Maan lahayn dad baa jira

Duunyada collaystee

Ninka dabarka kugu xidhay

Muxuu kuugu duur xulay

 

Wax maan dilin

Dad maan dhicin

 

Maandooriya-yaashiyo

Daroogada mid soo gura

Maan ahayn dalxiisoow !!

Ganacsade dillaal ihi

Hubka lagu dagaallamo

Weligay dushaydiyo

duudkayga kuma rarin

duunyadoodu qaar bay

tahay dacar qadhaadhiyo

 

Deeq lagu khasaaraye

Ma daldalan sidoodii

Dadkoo baahan keligay

Dibirada i eegaay!

Duhurkii kumaan odhan

Baananka dulsaarkiyo

Halka daynta laga helo

Dacwad iguma soo qorin

Nacas baa dareenkiyo

Damaciisu lumiyee

Intaan diday sidiisii

Dadkaygii ma baabi’in

 

Dumi iyo kacaandiid

Midna duunka kuma hayn

Xukunkooda kama didin

Dal shisheeye maan tegin

Bal diiwaanka baadhoo

Darajiyo xil maan sidin

Maanta laygu daba galo

Halka laygu dilay iyo

Waxa dabinka igu riday

Dar’ ALLEE ma garan weli!!!

 

 

 

Dalxiis

Dameer yaabban baad tahay

Nin dakaansan baad tahay

Dani dhigatay baad tahay

Hagi, hagi, darmaanoow!

Daadihi warkaagoo

Intaad dooxa joogtiyo

Daliilkaagii qabashada

Daacad iigu sheekee!!

 

Darmaan

Maansadu Dalxiisoow

Sidaan kuugu daabacay

Qoyskaan duruustiyo

 

Danahooda fulin jiray

Rabbi daa’in weeye

 

Markuu daahir oofsaday

Sidii sheekha loo dilay

Ooridiisii dabadii

Cidi may dumaaline

 

Dar alliyo xaggiisay

Dadaal ugu maqnaydoo

Dugsiyada quraankay

Duca uga hibaysoo

 

Ddigrigay jeclaydoo

Dalluuntiyo xabaashay

Wardi ugu dirtaayoo

Fooxiyo dabqaadkaan

Kala daali jirinoo

Jimcayaasha duhurkii

Waxba layma diran jirin

 

Dharaartaan dagnaayee

Sida debecsan lay helay

Waxay ahayd dalxiisoow

Ciid loo dabbaal degay

Farxad iyo damaashaad

Maalintii darbaalkiyo

Rarka layga dayn jiray

Dooggii markaan cunay

Darka iyo xareeddii

Durduurtiina heensaday

Dumarkaa ahaan jiray

Ragga daawadiisee

Waanigii degdegayee

Meel aan darmaaniyo

Ku ogaa dirkaygii

Doolaaladii tegay

 

Waxan soo durduriyaba

Anigoon dantii bogan

Daraawiish hub sidatoo

Col duullaana bay helay

Niman duub cas baa qori

Ila soo duljoogsaday

 

Laye waa dameerkii

Meelahaa dalxiiskee

Duqa loo sameeyee

 

La dawaafsho fiidkii

Laamiya dushoodiyo

Dawga muxuu u marayaa?

 

Anna idhi ma duulaa

Ma cirkaa dameeraha

Dariiq uga samayseen

 

Xayawaanka duurkiyo

Aadamiga dayacaniyo

Dibjirka iyo baahida

 

Dadka inaad ka qarisaan

Waa dabeecadiinnee

Inkastoo dadaysaan

Dabaqay ka weyntahay

Xeedhada darxumaduye

Ma cid soo dalxiistiyo

Wefti soo degaa jira?

Colka kii dalbanaayee

U sameeyay duulkaa

Ka damqaday warkaygii

 

Wuxuu yidhi Dalxiisoow

Dib u socod xun weeyaan

Cadow baana soo diray

Dabadhilif inaad tahay

Dadkii baan hadlaynoo

Debnahooda haystee

Adigoo dameeraad

Dacwad nagu furaysaa

Duuduuba oo xidha

Dabarkiyo hogaankiyo

Seetada isugu dara

 

Doxoryahow qalaalani

Diiq baad is mooddee

Waxba aniga hay digin

Doobtana ha ii tumin

Daal baan ku seexdaa

Dildilaaca waagaa

Degdeg laygu kiciyaa

Dirqi baan ku toosaa

Adigoo dangiigaan

Gasiinkaaga doonaa

Markaan digirta soo dhigo

Wawliskiyo wadaantaa

Dusha layga saaraa

Darkaan ugu arooraa

Dushaan kuugu dhaanshaa

 

Xaabada duleedkiyo

Kolkaan dogobka soo guro

Ama dhuxusha lay diro

Dabkaan kuu shidaayoo

Danyatiyo saboolkaa

Duudkayga raratoo

Caydhiyo danlaydaan

Danahooda fuliyaa

Dufka iyo xamaantaan

Degmo kala fogaatiyo

Meel durugsan geeyaa

Diihaal anoo qaba

Iyo dacaska gaajada

Hawlaha la ii diro

Inaan doono mooyee

Weli diiday maan odhan

 

Aqallada dugsooniyo

Daaraha wax kuma lihi

Dibeddaan ka seexdaa

 

Dusha maro la saariyo

Darbaal iima hidisaan

Ooridayda dahabiyo

Diric kuma marriintaan

Ma xidhaan dugaagado

Dhegta uma dalliigaan

Hilqad uma dalooshaan

Dabaylaha udgooniyo

Dubka cadarka lagu shubo

Dufankiyo saliiddiyo

Duxda inaan ku dhaashado

Diibka waan u baahnaa

 

Dartiin baan u nacayoo

Raaxada u daayee

Ma ogtahay dameeruhu

Dhulka inay degaanoo

Duuggaaga noloshiyo

Dalka kula wadaagaan

 

Durbaankaad tumaysiyo

Digdigtaadu waa maxay

Dirays baad u xidhatoo

Darajaad u leedee

Dadka maxaad u qabataa

Anaa kaaga doorroon

Danta kaaga hawl badan

 

Doqonkii qulquladaha

Dabka huriyay baad tahay

Deggenaanta nacabkii

Ii diiday baad tahay

Diririyo adaa wada

Dagaallada sokeeyaha

Duudkiyo intaasaa

 

Duubigu ku le’egyahay

Dalka maxaad u qabataa

Durdurkiyo xarreeddiyo

Webiyada ma dooxdaa

Ma dildilaacisaa beer

Diraacdii wax soo saar

Dadka maw horseeddaa

Gasiinkaaga dibaddiyo

Adaa dool ka sugayee

Dal shiisheeye weligay

Deristiisa maan baran

 

Dalaggayga mooyee

Diiqada ma raadsado

Mareemada anaa cuna

Iyo doogga keligay

 

Ku dagaali maayo

Kula doodi maayee

Is difaaci maayoo

Waxba diidi maayee

Dabadaada adigaba

Haddii daasad lagu xidho

Lagu dhaho duleedkiyo

Ha la qabanin dibaddoo

Digadaadu kiishkaa

Dacal yaanay uga dhicin

Dabageliska weeyaan

Waxa doosha kuu furay

Deriskiyo geyaankii

Haddii intaa dumarkiyo

Dadku wada ogaadaan

Ceebtaadu durugtaye

Maw dulqaadan layd taa?

 

Adaa duubka haystoo

Dunida maamulkeedee

Dadka nimaad u jeceshahay

Hadduu duunka kaa naco

Adigoo dantiisiyo

Wada darajadiisii

Isaguna dilkaagiyo

Jirinaayo doogtii

Maxaa lagu dabiibaa

Ama lagu daweeyaa

 

Dumisaye abaaloow

Kolka malaggu daashado

Adna dabar go’aagiyo

Ha la yaabin duudsiga

 

Durba laygu soo bood

Hadalkiina naga duul

Dusha gaadhi lay saar

Duhur bay ahayd dheer

Duleedkiyo dharaartay

Daleed iga qafaaleen

Waa siddeed diraacood

Dixda laanta buuriyo

Intaan deridan taagnahay

Daranyada i gaadhiyo

Waxba maaha diiftuye

Degellada xabsiga iyo

Deyrka aan ku oodnahay

Waxa iiga sii daran

Maatada dayacantiyo

Qoyskaa dabayshaday

 

Dalxiis

Asalkaba darmaanoow

Dacwaddii maxkamadaha

Miyaa wali laguu diray

 

Darmaan

Sidaan dabinka ugu dhacay

Duhurkii salaasada

Dameer yaad ka tahay wali

Debnahoodu may odhan

 

 

Dalxiis

Kuwa duugga magaciyo

Dirka kula wadaagaa

Gadaashaa ma duulaan

Ururrada difaacee

U doodaya aadmiga

Dacwaddaada uunkiyo

Dibedaha ma geeyeen

 

Darmaan

Waa beri dalxiisoow

Nin deyeysan baad tahay

Haddii dood la furi karo

Haddii deeq la huri karo

Haddii deyn la gudi karo

Dameeraha filkaygiyo

Duunyadu ha joogtee

Maxaa geedka deebta leh

Dadka loogu shiriyaa?

 

Dawriga libaaxiyo

Inuu halaqba kugu dilo

Inta dulundulcaysiyo

Inuu dulinka kugu cuno

Inuu roobka kugu da’o

Inuu danabba kugu dhaco

Dabaylaha wax qaadiyo

Inuu daadba kula tago

Meeshu dawlad maahee

Damal weeyi hoostii

Duufaanna waw halis

 

Dalxiis

Ma dameerihiinii

Dalka maalintuu yimid

Durdurada kacaankiyo

Dardartii ku raacee

Iyagiyo dugaaggii

Danwadaagta laga dhigay

Ayaa doorkan maanta ah

Tidhi loo dardaar weri!

 

Sidee dooca yeelaa

Dusduskiyo khiyaanada

Durba sabab u yeeshoo

Doogta kuugu tumayaa

Alleylehe darmaanoow

Warkaa waan ku diirsaday

 

Darmaan

Idinkuba dalxiisoow

Waa tunteen durbaankee

Ma dinnaahyadaydaa

Duryankii ka weyneyd

Duunyadu sideedaba

Ways daba gashaayoo

Dareen maalintuu jiro

Duqdaa loo tumaa geel

Degmedaya weligeed

Dunta laba ma xidhatee

Mid baan duubka saarraa

Duddadiisa neef kale

Darka lama wadaagee

Deeq baan u siiyaa

Da’yartaydu waayeel

Durdurada ma jiidhee

Ways daba gashaayoo

Dunji baanu leenahay

Adiguna dadow hee

Halka talada loo dumo

Markaad dooranaysaan

Docdee layska taagaa

 

Ma da’daa la tiriyaa

Ma duunyaa u eegtaan

Ma degaanka caydhiyo

Danyartaad u dhiibtaan

Ma dooddaa la raacaa

Mise deeqsinimadiyo

Dulqaad baad ku bixisaan

Ma dareenka garashada

Iyo dirasho dheer baad

Darajada ku saartaan

Mise waxaad ku dagataan

Dibindaabyadoodoo

Door waliba kii hore

Waa mid kaaga sii daran?

 

Darmaan

Joog joog dalxiisoow

Waxbaan yera dareemee

 

Dalxiis

Maxaa dhacay darmaanoow

Ma deg baad i leedahay?

 

Darmaan

Dareen baa i galayoo

Didmuun baa i qaadaye

Digtu waa askarigii

Dusha sare ku joogoo

Darandoorriyaayee

Dalxiisoow ha dhaadhicin

Ha daadegine soo noqo

Dooddana adayska leh

 

Dalxiis

Waa suge dameeroow

Dareenkiyo cabsida badan

Deris baad la noqotoo

Didmadaadu waa kibir

Ninka diiqa kugu riday

Hadduu daayin kugu simo

Godobta iyo daannada

ma ka doonanaysaa

mise sida dadkaba qaar

dusha lagaga joogsado

dulmigiyo xumaantiyo

diif baad ku noolaan?

 

Dalxiis

Inanyahow degdegayaa

waad i daalinaysaa

igu kicisay doogtee

hadduu Daayin igu simo

isna daayo weynuhu

wa aqaan dameeraha

sida loo dambaabidho

ninka deelka furayoow

igu kicisay doogtee

aynu dood wadaagnee

adna digagubkaagiyo

darantaada ii sheeg

 

Dalxiis

Anigu diiday baan idhi

markii dalag la waayee

dalkii lagu abaarsaday

ragna diillintii guray

intuu koray daruuraha

bulshadiyo dadweynaha

daalaadhacoodii

meel sare ka daawaday

shicibkana dalqamisiyo

inta dooji lagu xidhay

degta lagaga joogsaday

anigu diiday baan idhi

dirayskiyo garoomaha

markii doqonka loo tolay

diriciyo fariidkii

darka lagu hor joogsaday

anigu diiday baan idhi

dugaagii aralada cunay

markuu dumiyay beeshii

dadkaygii midaysnaa

inta deyr u kala dhigay

dabka laysku qaatee

demi weyday beladii

anigu diiday baan idhi

adigoo dangiigoo

hurdo dakhar u jeedaan

dabka kugu dhejinayaa

ha dareemin buu yidhi

markii aan damqadayee

dusha sare u boodee

didayee ka oogsaday

debintaada keen buu

hadal bebecsan igu yidhi

waxaan idhi duqiiyow

maxaad uga dan leedahay

hadda waan ku deyeyaa

aan dalooliyuu yidhi

 

inaan dacayda dhiibiyo

waxaad diiday siriqdii

dulka layga sudhi laa

daafidaad i siisiyo

docdaad ii goglaysaa

dibibdaabyo weeyaan

inay deris wadaagaan

isba waa ku diidee

dabagaallihii yidhi

abeesooy ha ila degin

iyo dacawadiiyeey

ma deyyaan ka liitaa

 

Dunduntii shilka lahayd

nin dareen ka galayoo

dugsan waayay baan ahay

maxaa duubi lagu jaray

maxaa doobab lagu qalay

maxaa darabta geesiga

dugaaggiyo waraabaha

dubaaxdiisa loo wadhay

Darmaanoow adduunyada

maxaa laysku dabar go’ay!!

 

Darmaan

Waaberi Dalxiisoow

daahlaab sarbeebaha

doc huluusha meegaar

degta sheelan iga dhawr

inta meeshu dagantahay

durdur hadalka ii sii

debnahaaga boobsii

duulduulka sheekada

dusha waan ka haystoo

askartaan darraad galab

dooddii dhexdoodiyo

ka dareemay buuqee

daafaha waqooyiga

ama dacalka oogada

degellada galbeediyo

ma degaanka bari baa

ma dug baa ma degel baa

ma dig baa ma daan baa

ma dalooli siman baa

ma dareeris dheer baa

 

Dildillaacii maandhow

ma dagaal fog baa dhacay

mise waa dul keligeed

waxba uma dareeraan

 

Daymada yuhuuntiyo

kulantida duleedka

deris lagu noqdaayoo

labadii dan wada lihi

iyagaa dareenkiyo

ku heshiiya dooddee

dirirtiyo colaadaha

diricii ku furan laa

dacaskiyo dhibaatada

ka dulqaad u heli kara

kdalaggii ka baaqsaday

degmaduu ka bixi jiray

duxda iyo siniintoo

duunyada ka weydeen

darkoo gudhay

dixdoo madhan

diihaalka jiilaal

ninka deeqda hidin kara

maalintay darraataad

dadka kala ogaataa

 

Doqon lalama simi karo

diriciyo fariidkee

midba daabaciisaa

dirka loogu soocaa

saadaasha dihineen

weli daaha laga rogin

iyo dahabka hoostiyo

ku daboolan buuraha

duunyada lahaanshaha

dadku kula wadaagaan

hadduu damacu kaa galay

dalba juuqahaagaa

dusha laga arkaayoo

waa lagu dareemee

aan kuu tumo durbaankee

anigana dantaadiyo

iga dariiqaad

darajada u mari layd

Deegaanka wiilkii

lagu daaqi jirayow

haddaad duub casoow tahay

dooyada nimaan cidi

dirir ugu dhawaan karin

berigay daraawiish

dadka ugu adkaayeen

kuwii dumiyay baa jira

caku door ismoodyahow

durrujaaga hoosiyo

haddaan dogobka xaabada

duur lagu lammaanayn

lagu diirsan maayee

haddaad tidhi anaa duma

anaa diriray keligay

anaa duula oo wada

duntii boqorka xidhatee

maddaad dacayda jiiddiyo

dulka lagama maarmee

anna doqonkii iga dhigo

daldaloolka hoosiyo

docda kaa gufaynlaa

 

Markuu diiday waanada

aniguna dulqaadkii

mid ka dayriyaan ahay

 

Ninka duubka haystaa

hawgii hadduu maro

dariiqii habboonaa

daacaddana la kaashado

dalaalkana ka waabsado

dawladnimadu waa buur

dumimayso weligeed

dakhalkaa hadday nabar

doonnidu ku leedahay

daldaloolka hoosaa

dixda loo faruurtoo

hadduu daadku soo galo

 

Dawo malaha meeshii

dibna looma celin karo

biyo laguma daadego

nin dabbaasha mooyee

badda lama durdurin karo

doqonkiyo cadaawaha

mid la dirirayaan ahay

dhallintii dadaashee

dadka inay gargaaraan

daawada ku dhigatee

danta guud u sara kacay

raggii dura lasoo xishay

nin doondoonayaan ahay

dagaalyahannadaydii

dilimaysid baan idhi

 

Dugaagana ha noqotee

dulmi ruuxa lagu falo

nin u doodayaan ahay

duunkayga hoosaa

xuub laga dillaacshoo

soomaali daayoo

haddii gaal la duudsiyo

nin ka daaya yidhiyoo

loogu dawgalaan ahay

 

Hadduu jiro dukaannada

nin dabeecad iibshaa

caqli laga durduurtaa

ama uu dawaarluhu

diricnimada toli karo

inta badan dadkaygaa

dabiib loogu heli laa

 

dalkaasaad ku nooshoo

nafna waad ka damacdee

dammeer waxa laguu yidhi

dammanaanta weeyaan

ina daba ka nuugoow

duni uma war hayside

daah iyo alooliyo

derin baa la laabaa

surrad baa la duubaa

dulinkiyo abaartaa

laga digarogtaayoo

deegaan kaleetiyo

degmo looga guuraa

 

Sababtii la doonaba

daraadeed ha noqotee

hadday dani tidhaa meel

daaraha ha laga raro

inaad dumiso mooyee

dawo kale ma leedahay

 

Darmaan

Doobtiyo codkaygaa

dadku qoonsadaayoo

diiwaan haddaan qoro

ama aan Dalxiisoow

sida sheekh u daakiro

adaa deelka maansada

daadihin yaqaanoo

dadku kaa dhegaystaa

sharcigii dameer xidhay

ma daryeelo aadmiga

duxda hadalku weeyee

waa rune dadka u sheeg

dulmigiyo gumaystuhu

adoo diida mooyee

i daa kuma dawoobee

anigu waan dayoobee

ma dakaayo dheer baa

daaraha idiin taal

 

daleeddiyo qabowgiyo

dabaylaha dhacaayaa

dhidid iga da’aayoo

dalluun iyo xabaal baa

dugsi layga dhigayoo

daaqaddayda lama furo

madaxay dakaamoo

guri baa igu dedanoo

duhurkiyo habeenkii

midna layma daayoo

dibedda uma soo baxo

daruurtii wacnaydiyo

dayixii ma fiirsado

hadduu karayo duudsiga

nafta iima daayeen

ILLAAH baan i dilinoo

ii diiday mawdkee

deeqdiisa weyniyo

dar Allaan ku noolahay

docdaad adigu joogtiyo

haddaan helayo daantaa

dahab baan ku siinlaa

 

Dalxiis

Shuki shuki …

 

Shuki shuki Darmaanoow

maxaa dururug soo yidhi

mise dacayda dheeriyo

debintaada weeyaan

qurufqurufta naga daa

Alla meeshu daranaa

dulmi iyo dhib weynaa

ma ilaa diraacdii

dayrtaan ogaa baa

raggu derin ku jiifaa

oon dibedda loo furin !!

diiq baydin haysee

intaan dacayda lay qaban

dabar laygu qoofalin

gudcur daahyadii rogay

masiibada dawaafka ah

doc baa laga haluushaa

digtoonaantu waa sade

dabadeed mar kale iyo

dib haynoo ahaatee

waan degaye nabadeey.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada