MAANKAAB.COM - Hoyga Arrimaha Bulshada

Wasaaradda Caafimaadka oo Sheegtay inay Ogaatay Dad aan Khibrad Caafimaad Lahayn oo Xayeysiisyo loo Sameeyo

Wasiir Xaglo-toosiye oo mamnuucay baahinta xayeysiisyo caafimaad oo aan la soo marin wasaaraddiisa

 XagloHargeysa (MK)- Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay wareegto lagu mamnuucay in dhammaanba hay’adaha warbaahinta iyo isgaadhsiintu baahiyaan farriimo caafimaad oo aan wasaaraddiisa la soo marin.

Wareegto uu saaray Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) Dhammaadkii toddobaadkii hore, laguna socodsiiyey hay’adaha warbaahinta (wargeysyada, telefishannada, idaacadda iyo shabakadaha internetka) iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel, ayaa lagu sheegay inay wasaarad ahaan ogaadeen in la baahiyo xayeysiisyo halis ku ah caafimaadka bulshada, sidaa darteedna la mamnuucay baahinta farriimo amma xayeysiis caafimaad aan la marin waaxda isgaadhsiinta ee Wasaaradda Caafimaadka laga bilaabo 9 February 2015.

“Waxa aannu ku wargelinaynaa dhammaan shirkadaha isgaadhsiinta, idaacadda, Telesom, Telecom, wargeysyada, warbaahinta muuqaal-aragg ah (telefishannada), mareegaha internet-ka (websites), in la mamnuucay siidaynta xayeysiisyada ku taxaluqa farriimaha caafimaadka iyo daaweynta dadka ee aan soo marin qaybta isgaadhsiinta Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aannu ogaannay in warbaahinta laga sii daayo xayeysiinta dad aan khibrad caafimaad lahayn, kana haysan ruqsad oggolaansho ah Wasaaradda Caafimaadka, taasoo bulshada ku keeni karta waxyeelo caafimaad-darro.

Marka aannu eegnay farriimaha caafimaadka ee laga sii daayo warbaahinta in aanay waafaqsanayn siyaasadda Wasaaradda Caafimaadka.

Waxa aannu go’aansannay in aannu soo saarno wareegtadan oo dhaqan-geli doonta maalinta taariikhdu tahay   09 February 2015, sidaas darteed waxa aannu idin faraynaa in aad fulin doontaan, kuna dhaqmi doontaan wareegtadan, waxaanan idinka rajaynaynaa inaad fulin doontaan wareegtadan,” ayuu Wasiir Xaglo-toosiye ku yidhi wareegtadiisa.


Share This:

Ka Dhiibo Fekerkaaga

xulashada